Addin

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-immo/-inno, m.dh)

1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid.

Addin

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-imo, m.dh)

1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.

Addin

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-imay, -intay; -imi)

ld aadaan² (1).

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga addin

aaddin | baabbacee | baabbaco | nabdaaddin | tacaddin | abeesalugaley | addimid |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg