balli
(m.l)

(balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balli

adaarbiciid [m.l]
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. ld adarbiciid.

ballaq [m.l]
ld balliqid.

ballaqid [m.f.dh]
ld balliqid.

balliqid [m.f.dh]
eeg ballaq². ld ballaq¹, ballaqid.

ceegaag [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
C./ka c.: balli, weel, xero iwm buuxid (biyo, caano, xoolo iwm).

culaacul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.

dhasheeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Biyakuhar; balli; laas.

galsho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Ceel yar oo laga sameeyo ballida hareereheeda si biyuhu ugu miiraa.

haro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg