bannaan
(m.l)1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.
bannaan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bannaan ↴
caadbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban
haawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Weel af bannaan dabayl u dhigid.
idman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).
jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.
kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
rabadin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.
waan [m.dh]
Meel dhul ah oo bannaan.
afla' [m.dh]
1. Ciyaarta jarta marka qof god bannaan oo uu xoolihiisa u raro waayo. 2. Middi a.: midda aan wax goynayn..
ardiyad [m.dh]
1. Cashuur ay dawladdu ka qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo. 2. Caddaynta lahaanshaha guryaha;mulkiyad.