baraarug
(m.l)1. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah oo arrin loo yeesho. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga koco. ld baraarugid.
baraarug
(m.dh) (-go, m.l)Dugaagad bir ama maar ah oo carruurta gacanta ama lugta loogu xiro si ayan hurdada uga soo sasin.
baraarug
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)1. Qof iskiis hurdo uga kicid. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh hurdo ugu kicid. 3. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah arrin u yeelasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baraarug ↴
xadato [m.dh]
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.
baraarugid [m.f.dh]
eeg baraarug³. ld baraarug¹.
baraarugsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax baraarugay ahaansho.
baraarugsanaan [m.f.dh]
eeg baraarugsan. ld baraarugsanaansho.
baraarugsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld baraarugsanaan.
damman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof maskax ahaan aan baraarugsanayn ahaansho; maahsan.
dheelallaabo [m.dh]
Hurdo laga kacay oo aan weli la baraarugin, makalaalax. ld dhelallow¹, dheerallaabo, dheerallow¹.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg