bayaan
(m.l)

1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bayaan

caadyaal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal. caadiyaal

arag-qumin [m.dh]
(daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.

bayaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax bayaan ka dhigid.

bayaanin [m.f.dh]
eeg bayaani.

cad [m.l]
1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.

cad [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-ddaa, -ddayd; -cadcad)
1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.

daahiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid.

fasiix [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. F. ah: qof hadalka si fiican u jeedin yaqaan. 2. Hadal bayaan ah oo si qeexan loo yiri.

hadalcun [m.l]
Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg