beero
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)Beer ka dhigasaho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beero ↴
abuur [m.l]
1. (m.l.u) Miro loogu tala galay in wax lagu beero. 2. ld abuurid.
araari [m.dh]
Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba dhisme, laba beerood, ama laba xero iwm.
aslaax [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-xay, -xday)
1. (f.g) Hagaajin; dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg) Nabad ka a.: nabad dhax dhigid.
beerasho [m.f.dh]
eeg beero.
buctureen [m.l]
(bot.) Geed yar oo caleemo iyo ubax udgoon leh oo guryaha, xafiisyada iwm lagu beero.
carranafaqayn [m.dh]
Bacriminta dhul digo, daawo iwm lagu bacrimiyo si wax loogu beero.
dalag geddis [m.l] (-yo ..., m.dh)
Habka beerashada oo ku salaysan in dalagyo kala duwan lagu beero dhul isku mid ah, si gaar ah oo isku xigta.
dhigaalis [m.l]
Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
dhirqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Meel geedaha ku yaal oo dhan ka goyn si loo beero.