buko
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-kaday, -katay)Wax bukaan ah noqosho. ld bukoo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buko ↴
waabaayo [m.dh]
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay². waabaay, waabay, sun, mariid
daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir
xaako [m.dh]
Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.
bukaani [m.l]
ld bukoni.
bukasho [m.f.dh]
eeg buko. ld bukood.
bukoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld buko.
bukood [m.l]
ld bukasho.
bukoni [m.l]
Moos waaweyn oo la kariyo. ld bukaani.
kakanaanta beerka [m.dh]
(daaw.) Xaalad beerku buko oo ay ka dhex sameysmaan karrimo sooh mayraxeed ah kuwaasoo ay ku dhex yaallaan jasiirado ka sameeysan unugyo soo badanaya oo beddalaya kuwi dhintay. Beerku wuxu yeeshaa midab hurdi madow ah iyo kuus-kuus.