bukoo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)ld buko.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bukoo ↴
waabaayo [m.dh]
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay². waabaay, waabay, sun, mariid
daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir
xaako [m.dh]
Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.
bukasho [m.f.dh]
eeg buko. ld bukood.
buko [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-kaday, -katay)
Wax bukaan ah noqosho. ld bukoo.
bukood [m.l]
ld bukasho.
quun-saneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
shuban [m.l]
(daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
sun [m.dh]
Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.