dhammaystir
(m.l)1. Wax qabyo, lagu ebyo. 1. ld dhammaystirid.
dhammaystir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Wax qabyo ah ebyid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhammaystir ↴
ebi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-byay, -biday; -byi)
Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid.
ebyan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dhammaystiray noqosho. ld ebyoon¹. ebyoon
ebyan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dhammaystiray ahaansho. ld ebyoon². ebyoon
oktet [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Heertamarta deggan ee atam ee ay ku jiraan siddeed elektaroon. Dhammaystirka oktetku waxa uu keenaa degganaansho gaar ah, waana salka aragtida liiwis ee oktetka.
taamyeel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Wax dhammaystirid.
bog [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
dabar-ayoon [m.l] (-rro ..., m.dh)
(kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.
degsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.