dhaw
(m.l)

ld dhaaw¹.

dhaw
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1)

(dhebay, dhebtay; dhebi) 1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaw

naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa

kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab. raar, xakab

yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.

naadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid.

yabaq [m.l]
Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. jabaq, yabaaq

daac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco². daaco

daaco [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn.

idif [m.l]
1. Timaha wejiga ku soo dhawaada oo salxanyada korkooda ka baxa. 2. I. ah: qof bar yar oo dhuuban.

jaamuus [m.dh]
1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.

jaar [m.l] (-rar, m.l)
1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg