dhergid
(m.f.dh)eeg dhereg³.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhergid ↴
haag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Ka h.: Wax aad uga dhergid.
wabax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Biyo ka dhergidda (xoolo).
wabax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bxay, -baxday; -bxi)
Xoolo biyo ka dhergid. ld wabaxso.
bogo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1.(f.g) Cunto, cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.
buuflee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Xoolo baad ka dhergid. 2. Cid caro ama kibir muujin.
dharqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.
fuud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Hoore si tartiib ah uga dhergid.
fuuq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Hoore si tartiib ah uga dhergid.
giig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka g.: wax ka dhergid. 2. Ka g.: wax ka joogsasho iyada oo laga cabsanay.