dhiiji
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Ib, dalool iwm dareere ka keenid. 2. (f.mg) Ka dh.: jir nafley dhiig ka keenid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiiji

laaktays [m.l]
Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.

xabeed [m.dh]
(c.nafl.) Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada “goblet” xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iwm.

dhiijin [m.f.dh]
eeg dhiiji. ld dhiijis.

dhiijis [m.l]
ld dhiijin.

dhiiq [m.dh]
1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.

dhiiqsin [m.dh]
In yar oo caano ah oo hal mar naas laga dhiijiyo.

dibqallooc [m.l] (-cyo, m.dh)
Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. ld dabaqallooc.

farriiq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
1. (f.g) Dareere yar meel ka soo dhiijin. 2. (f.mg) Dareere yar meel ka soo dhiiqid.

laba-iyo-tobanle [m.l]
(c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg