digir
(m.dh)1. Dabar. 2. Midab madow oo ilkuhu yeeshaan.
digir
(m.dh)Nooc dalagga ka mid ah, dhala miro u eg qaabka kellida, leh midabbo iyo jaadad kala geddisan. ld diir².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh digir ↴
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
oodaale [m.l]
Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
afardhegood [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Sagaarada lab ee kolkaas u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la moodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.
aram [m.dh]
Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta.
biif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Badar, digir iwm oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin.
bocor [m.l]
1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.
boqondhaw [m.l]
1. Geed digir meseggo imw oo soo fufay. 2. ld boqondhebid.
caloolaweyn [m.dh]
1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin.
daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.
deebi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.