duni
(m.dh)Koon; adduun.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duni ↴
aadami [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. ld aadane, aadmi. aadane, aadmi
maaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef.
2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld
maaddad. maaddad
Rabbi [m.l]
Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
waagii baahiyosooik [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii hore ee nolosha, waa kan ugu horreeya saddex qaybood ee waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeyay kambiriyan-ka-horreeyaha). Kolkaas oo muddooyinka taariikhda dunida ka mid ah kana horreeyay waagii mesosooigga wuxuu kalabaxsanyahay laga billabo 600 oo milyan ilaa 200 oo milyan oo tagtay.
waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
adduun [m.l]
1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. ld adduunyo.
afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
badweyn [m.dh] (-nno, m.dh)
(juqr.) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.
banii-aadan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dadka Eebehay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. ld banii-aadmi, benii-aadan, benii-aadmi, binii-aadan.
caanomaallo-isle'eg [m.dh]
(c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.