ganacsad
(m.l)ld ganacsash.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ganacsad ↴
qaadwale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof ka ganacsada qaadka.
saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.
baaniyaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Hindi ganacsade ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.
bacadle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.
badeecad [m.dh] (-do, m.l)
1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.
biicmushtari [m.l] (-iyo, m.dh)
Qof badeeco gadiddeeda ama iibsashadeeda hawshiisu tahay; ganacsade. ld baayacmushtar¹ (2), baayacmushtari, beecmushtar¹.
boojis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-syo, m.dh)
Qof hubeysan oo si sharci darro u laaayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iwm.
bucshiro [m.dh]
1. ld bucshirad. Ganacsi. 2. Alaab laga ganacsado, badeeco. 3. Nooc ka mid ah ciyaaraha turubka oo afarta warqadood ee badda taal la baayaco.
caanoole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nin caanaha ka ganacsada.
cukad [m.dh] (-do, m.l)
Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. ld cokad.