garan
(m.l) (-nno, m.dh)

Hu'hoosaad qafiif ah oo shaatiga laga hoos gashado si uu dhididka uga ilaaliy.

garan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Wax qaarka hore midab ku leh ahaansho (ri').

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garan

jaahwareer [m.l]
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareerid

jaahwareer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jahawareer

maandow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey.

maandow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ay, -day)
Gabow awgiis wax la kala garan waayid (qof).

saaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.

uun [Falkaab | Adverb]
1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”.

wadaage [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).

afceli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.

angaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax la angaray noqosho.

angaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la angaray ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg