gees
(m.l) (-so, m.l)1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdaree.
gees
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iwm: dhinacayga, dhinacaaga iw.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gees ↴
saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed
oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay
isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax.
2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.
ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e
jaajuur [m.l] (-rro, m.dh)
Shay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
maalooti [m.l]
1. ld magallooti (3) Si daran wax u laaya (bahal ama geesi); aan biqin; dhiigyacab. 2. M. ah: qof waxmatara ah.
qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().
saajac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-cyo, m.dh)
S. ah: qof dhiiran oo aan cabsan; geesi.
taar [m.l] (-rar, m.l)
1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.
xag [m.l]
Dhan; jaho; dhinac; gees.
xagal [m.dh] (-glo, m.l/-llo, m.dh)
(xis.) Saxan ka samayma ratibaadda laba xarriigood (dhinacyo ama gacmo) oo ku kulma bar lagu magacaabo geeska xagasha. Halbeegga waa darajo ama gacansin.