gidaar
(m.l) (-rro, m.dh)Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iwm ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derb.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gidaar ↴
ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
bakteeriya [m.dh] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
cidhib [m.l] (-byo, m.dh)
(c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
dibaaxis [m.dh]
(c.nafl.) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la'ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. ld dubaaxis².
gidaar-unug [m.l]
(baay.) Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikee.
kaytiin [m.l] (-no, m.dh)
Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
mandheer [m.dh]
(c.nafl.) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.
miiq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. (c.nafl.) Dhisme kala jaadjaad ah oo duno oo kale ah oo laga helo jidhka xayawaanka, sida miiqyada muruqyada, miiqyada dareenwadka, ama miiqyo kollayiin. 2. (baay.) Unug dhireed dheeraaday oo gidaaradiisa ay adkaysay xabag ku dahaadhani.
murud [m.l]
Caano, subag, malab iwm inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. ld murug² (2), mudur.