injir
(m.dh)

Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh injir

cinjir [m.l]
1. Geed leh laamo jilicsan, caleemo iyo iniino yaryar iyo cananno cad oo ka baxa dhulka kulaylaha. 2. Dhacaanka geedka cinjirka. 3. C. ah: shay ka sameysan dhacaanka cinjirka; xabag; ramal; goome.

cinjirrageed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.

dhiig-xinjirow [m.l]
(daaw.) Falalka taxanaha ah oo uu dhiiggu iska beddelo darere oo u beddelmo adke.

hilibcinjir [m.l] (-rro, m.dh)
Dhiig fariistay dhaawac awgiis.

injirbooddo [m.dh]
Booddo, takri.

qandhicil [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Ugxaanta yaryar oo cadcad oo ay injirtu dhasho.

xinjir [m.dh] (-ro, m.l)
Dhiig guntamay.

xinjir-roor [m.l] (-ro ..., m.l)
(daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuu-san xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibib-ka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg