jeego
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Madaxa dadka xaggiisa dambe; qadaad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeego

jeegaxiir [m.l]
1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.

jigo [m.dh]
Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.

lafjeego [m.dh] (-fo jeegooyin, m.l)
(c.nafl.) Laf qaab weel godan leh ee ka mid ah qaybaha lafta madaxa oo sameysa qaarka dambe ee lafta madaxa iyo qaar ka mid ah salka lafta madaxa.

qadaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Madaxa docdiisa dambe; jeego.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg