jeel
(m.l)

1. Wixii dhab loo jecelyahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda, iwm, u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo. 2. Dareen rabitaan oo ku abuurma xoolaha marka ay waayaan dhanaan. 3. (-lal, m.dh) Meesha dadka dembiga gala lagu xiro; xabsi.

jeel
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-eelay, -eeshay)

1. U j.: wax u jeel qabid; wax xiisayn. 2. U j.: xoolo si aad ah dhanaan u rabid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeel

canjeel [m.l] (-canjeel, m.dh)
Geed weyn, miro la cuno leh, koox koox u baxa oo u eg deegaanka.

canjeelo [m.dh]
Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. ld canjeero.

daran [m.dh]
Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh.

hadaljeeli [m.dh]
Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.

hanjeel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Da'yaraan ku dhimasho (dad iyo xoolo).

hanjeeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley da'yar ku dilid.

hanjeelid [m.f.dh]
eeg hanjeel.

hanjeelin [m.f.dh]
eeg hanjeeli. ld hanjeelis.

hanjeelis [m.l]
ld hanjeelin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg