jeerin
(m.l)(bot.) Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeerin ↴
dheerdheero [m.dh]
1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere.
janjeerin [m.f.dh]
eeg janjeeri.
jiiqjiiqle [m.l]
1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
lacagaale [m.l]
(bot.) Geedgaab qodax leh oo miro la cuno, mayrax iyo xabag macaanba leh, oo ka baxa dhadhaabaha, jeerinkana la bah ah.
quulle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iwm.
riyaggooleeye [m.l]
Geedgaab sida jeerinka u baxa oo dhirta daawada ka mid ah.
weesaggad [m.dh]
Geed ur qurmoon oo jeerinka u eg.