jeex
(m.l) (-xyo, m.dh)1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. ld jeexo. Biyo mareen dhuuban.
jeex
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)Wax dillaacin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeex ↴
haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
laabjeex [m.l]
(daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar. laabqarrar
laaf [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
qaarjeex [m.l]
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
abyin-jeexeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(xis.) Hab lagu sammeeyo abyinaynta taranka laba fansaar iyada oo la adeegsanaayo jidka: u (dv/dx)dx = uv - v (du)dx, oo loo adeegsan karo qiimeynta abyinka ee taran.
aroor [m.l]
1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah.
arrad [m.l]
1. Xaaladda uu ku suganyahay qof dharkiisu duugoobay ama jeexjeexmay. 2. ld arradid.
arrad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Qof, xaalad dharki uu xirnaa duugoobay ama jeexjeexmay ku sugnaan.
biirjeex [m.l] (-xyo, m.dh)
Qof aan dhibta ka waaban; qof firfircoon oo aan halista ka waaban. ld birjeex.
biirjeexnimo [m.dh]
Birjeex ahaansho (qof). ld birjeexnimo.