lafdhabarla'
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Xayawaan aan lahayn lafdhabar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lafdhabarla'

qaaxo [m.dh]
(c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

dubdhacsi [m.l]
(c.nafl.) Isbedelka degdegga ah ee caydiga laga tegayo loona gudbayo qaangaadh, kaas oo ka dhaca meerta nololeedka lafdhabarla'fara badan iyo berribiyood, tusaale: buuley ilaa cayayaan qaangaadh ah.

lafdhabarla' [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Xayawaan aan lahayn lafdhabar.

maayliin [m.dh] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Lakab ka samaysan walxo dux ah oo ku wareegsan, danabeed ahaan ugu dahaadhan dhambaal, dire unugyada lafdhabarleyda badankeeda iyo unug dareenwadaha qaar ka mid ah lafdhabarla'da. ld mayliin.

metasoowa [m.l] (-yo, m.dh)
(baay.) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).

midxin [m.dh] (-no, m.dh)
(baay.) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.

moolaska [Magac Lab | Noun Masculine]
(c.nafl.) Faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad muruqaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda qolof adag oo dabool ah.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg