niyo
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun)

1. Meesha damaca, jacaylka, xumaha iwm dadku ku qaado. 2. Rabitaan wax loo hayo. ld niyad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh niyo

ictikaaf
[m.l]

Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.

anaaniyo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. ld anaaninnimo.

aniyo
[Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]

Macacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'iyo'.

canaaniyo
[m.l]

Gubtahanyo.

insaaniyo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

ld insaaniyad.

niyad
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

ld niyo.

niyaxumow
[Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maaday, -maatay)

1. Qof aan niyo wanaagsanayn noqosho. 2. Ka n.: wax rajo aan wanaagsanayn ka qabid. ld niyadxumow.

niyaxun
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-maa, -mayd)

1. Qof aan daacad ahayn ahaansho. 2. Qof aan niyo wanaagsanayn ahaansho. ld niyadxun.

niyoo
[Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)

U n.: hanti iwm wax dartii u bixin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg