nuxur
(m.l)

Waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo; dheef; uraad.

nuxur
(m.l) (-ryo, m.dh)

(taar.) Qaybta asalka u ah iyo tilmaamaha gaarka ah ee lagu yaqaan shay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuxur

xallad
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.

axadh
[m.l]

1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.

bayr
[m.l]

1. Nuxurka hadal, dood iwm ku saleysanyahay. 2. ld bayrid.

cantar
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)

1. Kibir iyo islaweynaan muujin. 2. Hadal aan nuxur badan lahayn sheegid.

cantarabbaqash
[m.l]

Hadal aad u nuxur yar.

daldalan
[m.l]

Hadal badan oo aan nuxur lahayn.

dhalleex
[Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]

1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. ld dhalleec¹, jalleec¹.

duluc
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tus. “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.

nafaqo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-ooyin, ml.)

1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.

nuxrur
[m.l]

Dheef tayo leh oo laga helo cuntada qaarkeed. ld nuxur.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg