Oodan
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay. 4. ld oodmid.
Oodan
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:Ciyaarta shaxda oo aan meel laga soo galo lahayn.
Oodan
Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-dmay, -dantay; -dmi)1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iwm). 2. Arrin, hadal iwm wax naan meel haysan noqosho.
Oodan
Qaabnaxa: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4 Isrogrogga: (-dnaa, -dnayd)1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga oodan ↴
gaalis | oodmid | oodnaan | qaanso | raadka footoodanabeed | xagal-adke |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg