sakhraan
(m.l) (-aamiin, m.dh)

Qof khamro ka dhergey oo sakhradi hayso oo aan ogayn waxa uu samaynayo. ld sarqaan.

sakhraan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

Qof wax sakhradi hayso noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sakhraan ↴

alaalax [m.l]
1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.

sakhraami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid sakhraan ka dhigid.

sakhraamid [m.f.dh]
eeg sakhraan².

sakhraannimo [m.dh]
Sakhraan ahaansho.

sakhraansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax sakhradi hayso noqosho. ld sakhradeysan.

sakhraansanaan [m.f.dh]
eeg sakhraansaan. ld sakhraansanaansho, sakhradeysnaan.

sakhraansanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld sakhraan-sanaan.

sakhradeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
ld sakhraansan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg