soofe
(m.l) (-fayaal, m.l/dh)

Qalab bir ka samaysan oo korka gano wax xagta ku leh oo birta iwm lagu simo ama lagu afeeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soofe

rabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Bir la tumay soofeyn.

galac [m.l] (-cyo, m.dh)
Waran af ballaaran oo birtiisu wada soofeysantahay.

kasoofeen [m.l]
Caano dhay ah oo aan weli isbeddelin. kasta s. Mid walba oo ka mid ah wax wada jira oo aan la kala reebeyn; mid k.: mid walba.

soofayn [m.f.dh]
eeg soofee. ld soofays.

soofaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la soofeeyey ahaansho.

soofee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
Mindi iwm soofe ku afayn.

xanaf [m.dh]
Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg