urun
(m.l)

Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh urun

daacaqurun [m.l]
Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹. dacwashiir

daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir

burun [m.l] (-nno, m.dh)
Cad yar oo is-haysta oo ciid, sonkor iwm ah.

burunbur [m.l]
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.

burunji [m.dh]
Hilibka intiisa jiirka ah.

burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.

burunjiyeyn [m.f.dh]
eeg burunjiyee.

curun [m.l]
Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah.

furun [m.l]
1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. ld furin¹.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg