waraabi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Cid oomman biyo la cabbo siin. 2. Beer oomman biyo ku duwid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waraabi ↴
naanni [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.
naar [m.l] (-rar, m.l)
Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. ld naadh.
araro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.
ceelaljoog [m.dh]
1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh.
dooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iwm biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.
halbowle-bawdeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Halbowle ka soo baxa halbowle diba-deedka misigta, wuxuuna waraabiya muruqyada bawdada.
kanaal [m.l] (-llo, m.dh)
Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.
kelli [m.l] (-iyo, m.dh)
Biyomareen yar oo beeraha lagu waraabiyo. ld keli¹ (3).
ladaab [m.dh]
1. Waraabinta xoolaha maalin walba la waraabiyo. 2. L. ah: xoolo maalin walba biyo cabba.