waraaq
(m.dh) (-qo, m.l)1. Baalaal xalxalleefsan, jilicsan oo badanaa wax lagu qorto. 2. Xaashi qoran oo laysu diro. ld warqad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waraaq ↴
xaashi [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Waraaq. 2. Dham-baal.
boostaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof waraaqaha boostada ka soo qaada oo dadkii lahaa u geeya.
boosto [m.dh]
1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.
cunwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.
fas [m.l] (-sas, m.l)
1. ld fad (3). Dhagxaanta qaaliga ah cad laga gooyo oo fargashiyada lagu dhejiyo si ay u yeeshaan qurux. 2. Waraaqaha turubka inta tobanle ka sarreysa. 3. Warqad turub oo aan la qaban karin.
firee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin.
firow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax firo yeelasho. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale isu geddiyid.
geni [m.l]
1. Lacag dahab ah oo Ingiriisku samayn jirey waayadii hore. 2. Lacag waraaq ah oo u dhiganta labaatan shilin. ld gin.
gool [m.l] (-lal, m.l)
1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.
jornaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.