caano
(m.l.w)

1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caano

qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab

baabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Weel caanood deebin.

qaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1). qaab, qaaban

qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.

baacug [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.

jaan [m.l]
1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.

maal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Neef irmaan caano ka lisid.

maalis [m.dh]
1. Weel biyood ama caanood. 2. ld maalid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg