daacad
(m.dh)

Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daacad

caadbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.

daacadnimo [m.dh]
Daacad ahaansho.

daacadxumo [m.dh]
Daacadnimo la'aan.

idaacad [m.dh] (-dyo, m.l)
Warka raadiyaha ama TVga laga sii daayo. ld idaaco. idaaco

aammin [m.l]
1. Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi (qof). 2. Nabad ah; aan cabsi lahayn (meel).

afbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, xday; -bixi)
U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.

caddaan [m.l]
1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin.

deexo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xday, -xatay)
1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid.

hagro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-raday, -ratay)
Si aan daacad ahayn wax u qabasho.

daac [m.dh]
Qabatoon; macaluul; diihaal.

daac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg