fallar
(m.l.t) (-rro, m.dh)

Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tus. “Hasha la shireystay f. iga sii”.

Waax, Fallar, Leber, Yaaw, Yuuc*

Waax = 1/4 Fallar = 1/8 Leber = 1/16 Yaaw = 1/32 Yuuc = 1/64


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fallar

raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

ekisrey [m.l]
(fiis.) Fallaaro elektaromagnee- tiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyo- graafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.

haybermetrobiya [m.l] (-ooyin, ml.)
(daaw.) Xaalad arag oo ay fallaraha ifku ku dhacayaan meel ka dambeysa xuubka aragga (reetina) marka qofku si caadi ah wax u eegayo. Wixii yaal meel ka dhaw lix mitir si fiican u muuqan maayan, wixii yaal lix mitir meel ka fogna si fiican u muuqan mayaan laaki in mararka qaarkood indhaha oo la khasbo ayaa lagu arkaa. Waxa ugu fiican ayadoo la qaato muraayadaha indhaha oo takhtar uu qoro.

tummun [m.l.t] (-nno, m.dh)
Rubuc laba loo dhigay meel; fallar.

tumun [m.l] (-nno, m.dh)
Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; fallar. Tus. “T. kiilo bariis ah”. ld tummun.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg