kaadi
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.

kaadi
(m.dh)

Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.

kaadi
(m.dh)

(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

kaadi
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

Kaadi sii deyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaadi

ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.

kaadar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir. kaadir

kaadi dhiigow [m.l]
Kaadida oo dhiig soo raaco.

kaadibadshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
(daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.

kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.

waabariisii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii. waabberiisii

kaa [mu.ti.l] (kuwaas, w)
ld kaas(1)

kaa [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.

kaa [dk.lh.l] (-kaa)
ld kaaga(2).

kaa [dk.ti.l] (-kaa)
ld kaas(2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg