musqul
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-lo, m.dh)

Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh musqul

barambaro [m.dh]
Cayayaan midab bunni ah, geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld baranbaro.

bullaacad [m.dh] (-do, m.l)
God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.

karawaliin [m.l]
Dareere kiimika ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.

karwaliin [m.l]
Dareere kiimiko ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.

muqsul [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld musqul.

suuli [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhisme yar oo ay gudihiisa ku yaaliin godad lagu saxaroodo laguna kaadsho; musqul.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg