naag
(m.dh) (-go, m.l)

1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naag

haadey [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey. hoohey

haasaawe [m.l]
1. Sheeko maaweelo leh oo laba qof ama ka badan dhex marta. 2. Sheeko nin iyo naag isku xodxodanaya dhax marta.

haasaawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi. haasaawi

naagaysad [m.l]
ld naagaysasho.

naagaysasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naagayso. ld naagaysad.

naagayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.

naagnimo [m.dh]
Naag ahaansho.

qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.

qaafo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg