tacab
(m.l)

1. Hantida xoogsiga ku timaadda. 2. Hawl; xoogsi; shaqo. 3. ld tacdbid.

tacab
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-cbay, -cabtay; -cbi)

1. (f.g) Beer dalag ka soo saarid. 2. (f.g) Hawl faa'iido ka helid. 3. (f.mg) Ku t.: qof maalgelin si noloshiisa loo hagaajiyo. ld tabac².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tacab

tabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cdas)
ld tacab².

tacabbir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Dal kale u dhoofid si shaqo looga helo. 2. Haajir.

tacabbirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacabbir.

tacabkhasaaro [m.dh]
Dadaal miro dhalin la'aan.

tacabkordhin [m.dh]
Wax soo saarka oo la badiyo.

tacabla'aan [m.dh]
Shaqo la'aan.

tacablaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Qof ma shaqayste ah.

tacabsoosar [m.l]
Miraha ka soo baxa hawl la qabtay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg