a (a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
aa1 ld baa. aa2 1. ld Aad. 2. ld aydin. aa3 Cod lagu muujiyo xanuunka. aa' 1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
aa'id eeg aa'.
aabayeel1 Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid. aabayeel2 U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin. aabayeelid eeg aabayeel². ld aabayeel¹ (2), aabeyeelid.
aabayn eeg aabee.
aabbannimo Aabbe ahaansho.
aabbayaal 1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal
aabbe 1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo, aabe.
aabbo eeg aabbe. ld aabo.
aabbur1 Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro. aabbur2 Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid. aabburan1 Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”. aabburan2 Dhiil, haan iwm wax la aabburay ahaansho. Tus. “Weelku waa aabburanyahay”. aabburid eeg aabbur
aabburmid eeg aabburan
aabburnaan eeg aabburan.
aabburnaansho eeg aabburnaan
aabe eeg aabbe.
aabee 1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.
aabeyeelid eeg aabayeelid
aabi Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
aabiweyrax Sabab la'aan cid dagaal ku qaadid, weyrax kulul.
aabo Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
aabonimo Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
aabyoo Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
page : 1 of 1584
1 2 3 4 5 6 > >>