Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
akhirid  eeg akhir.
akhirin  eeg akhiri.
akhirmid  eeg akhiran¹.
akhirnaan  eeg akhiran². ld akhirnaansho.
akhirnaansho  ld akhirnaan.
akhlaaq  Dabeecad, dhaqan.
akhri  Erayo ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu dhawaaqid.
akhrin  ld akhriyid.
akhris  ld akhriyid.
akhrisasho  eeg akhriso².
akhriso1  Haweenay raadiyaha, telefiishinka iwm warka ka sheegta. akhriso2  Wax qoran daalacasho. akhriye  Nin raadiyaha, telefiishinka iwm war ka sii daaya.
akhriyid  eeg akhri. ld akhrin, akhris.
akhtar  ld akhdar.
akhyaar  Nin wax garad ah. ld ikhyaar.
akid  1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid.
akidid  eeg akid. ld akidis.
akidis  ld akidid.
akrobalus  (taar.) Qalcadihii ku yiil magaalooyinkii Giriiggii ee waqtiyadii hore.
akson  (c.nafl.) Qaybta dheer ee miiqan ee unugga dareen wadka. Waxay ka soo qaaddaa unugyo dareen wade, dareen wadaha unugga jidhka, iyada oo u gudbinaysa organka dhaqdhaqaaqa ama maskaxda.
alaab  1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
alaab caydhiin  1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.
alaab ceyriin  ld alaab caydhiin.
alaabayn  eeg alaabee.
alaabee  Guri, xafiis iwm alaabo dhigid.
alaabo  ld alaab.
alaah  Qof baryo badan oo aan xishoon.
alaakood  Maaweelo iyo sasabidda carruur lagu aamusiiyo.
alaakoodi  Alaakood sameyn.
page : 36 of 75
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>

 

Exit mobile version