Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: biqil
dharbi 1. Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. ld dharki.
dharbin 1. ld dharbis. eeg dharbi. 2. ld dharqin.
dharbis ld dharbin.
dharcad Qayb booliska ka mid ah oo u qaybsan dambi baarista oo labbis caadi ah qaata.
dhardhaar (1) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹.
dhardhaar (2) Naxash.
dhardhaar (3) (xis.) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.
dhardhaar (4) Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. ld dhadhaar².
dhardhaarad ld dhardhaarasho.
dhardhaaran Weel wax lagu karinayo, wax la dhardhaaray ahaansho. ld dhadhaaran.
dhardhaarasho eeg dhardhaaro. ld dhadhaarad, dhadhaarasho, dhadhaa- rad.
dhardhaarid eeg dhardhaar². ld dhadhaar¹, dhadhaarid, dhardhaar¹.
dhardhaarnaan eeg dhardhaaran. ld dhadhaarnaan, dhadhaarnaansho, dhardhaarnaansho.
dhardhaarnaansho ld dhardhaar- naan.
dhardhaaro Weel wax lagu karinayo dhardhaar u samaysasho. ld dhadharo.
dhardhaq Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo.
dhardhigasho eeg dhardhigo.
dhardhigo Qof isqaawin.
dharee Wax dhar u yeelid.
dhareer (1) 1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid.
dhareer (2) Qoyaan layiig ah afka ka keenid (nafley).
dhareerid eeg dhareer². ld dhareer¹ (2).
dhareerrey Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood.
dhargal Nooc dibqallooca ka mid ah oo jurmi yar.
dharid eeg dhar². ld dhadid.
dhariin Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan.
dharjo Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin.
dharkayn (dharkayn/-nno, m.dh) Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.
dharla' (1) Kubka dhankiisa hore ee hilibku ku yaryahay; xoog.
dharla' (2) Qof qaawan ahaansho. ld dharra
<< < 383 384 385 386 387 388 389 390 391 392 393 > >>

 

Exit mobile version