Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
dhisaalan Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iwm).
dhisaalasho eeg dhisaalo.
dhisaalid eeg dhisaal².
dhisaalnaan eeg dhisaalan. ld dhisaalnaansho.
dhisaalnaansho ld dhisaalnaan.
dhisaalo Dhisaal sameysasho (qof).
dhisad ld dhisasho.
dhisan (1) 1. Aqal, dugsi iwm wax la sameeyey noqosho. Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay noqosho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho. 5. Wax jira oo tiirar adag leh noqosho.
dhisan (2) 1. Aqal, dugsi iwm wax ka sameeyey ahaansho. 2. Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho. 5. Qof wax la qurxiyay ahaansho. 6. Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho.
dhisasho eeg dhiso. ld dhisad.
dhise Fuundi; wastaad.
dhisid eeg dhis³. ld dhis¹ (3), dhisniin.
dhisiq Geed weyn, sal balaran, caleemo yaryar, qori adag, har yar leh oo kooraha, fandhaalada iwm laga qoro. ld bisiq, dhosoq.
dhisme Dhismo shay sida, waddan, mujtamac, ama ururo salkoodu uu yahay, sida hawlaha kala duwan ee ay qabtaan, iyo qalabka loo baahan in lagu fuliyo.
dhismid eeg dhisan¹.
dhismo (1) 1. Farsamada iyo habka wax loo dhiso. 2. (-ooyin, m.l) Wax dhisan sida guri, xafiis iwm. 3. Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso. 4. Isku-dubbarididda iyo habeynta gabay in muddo ah.
dhismo (2) (nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.
dhisnaan eeg dhisan². ld dhisnaansho.
dhisnaansho ld dhisnaan.
dhisniin ld dhisid.
dhiso 1. Aqal, dugsi, xafiis iwm samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.
dhisteri ld dhesteri.
dhitayn eeg dhitee. ld dhitays.
dhitays ld dhitayn.
dhitee Caano kaydin.
dhiti (1) Geedka xaskusha.
dhiti (2) ld dhuti.
dhitin ld dhutin.
dhitis ld dhutin.
dhito Caano loo keydiyey in la lulo ama la dhamo.
<< < 420 421 422 423 424 425 426 427 428 429 430 > >>

 

Exit mobile version