Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dangoobid  eeg dangow.
dangow  Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey noqosho.
dani1  Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iwm. ld deni. dani2  Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iwm deyr looga dhigo; dano. danjir  ld danjire.
danjire  Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.
danla'aan  Seegseeg iyo shaqo la'aan.
danla'aansho  ld danla'aan.
dannaago  ld dinnaago.
dannaanni1  ld danaani¹. dannaanni2  ld danaani². dannaanniyid  ld danaanyid.
dannabayn  eeg dannabee.
dannabe  Neef baadi ah ama la soo xaday oo la qashay. ld dannabo.
dannabee  Neef la soo xaday ama baadi ah qalasho.
dannabo  ld dannabe.
danni1  Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura. danni2  Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid. danniyid  eeg danni².
dano  1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
danqaab1  Waxyeello. ld danqaabid. danqaab2  Cid waxyeello gaarsiin. danqaabid  eeg danqaab². ld danqaab¹, danqaabo.
danqaabo  ld danqaabid.
danqaare  ld danqaaro.
danqaaro  Nooc cawska dhaadheer ka mid ah oo meelaha biyo fariisinka ah ka baxa. ld danqaare.
danqad  ld danqasho.
danqasho  eeg danqo. ld damqad, damqasho, danqad, daqmad, daqmasho, daqnad.
danqi  ld danaq.
danqid  eeg danaq. ld damqid, damqin, danqin, daqmid, daqmin, daqnid.
page : 48 of 218
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>

 

Exit mobile version