gaardiyid eeg gaardi². ld gaardin, gaardis.
gaarhaye Qof loo xilsaaray inuu ilaaliyo guri, xafiis iwm.
gaarheyn Gaarhaye ahaansho.
gaari1 1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan. gaari2 Haweeney maamulka aqalkeeda iyo nadaafadda jirka aad u ilaalisa oo uga adag. gaarid eeg gaar³. ld gaarniin.
gaariddameer Qalab oogo fidsan, laba shaag wax lagu rarto, oo dameer, baqal iwm jiidaan.
gaarifaras Gaadiid rakaab fuula oo faras jiida.
gaarigacan Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. ld gaarigacmeed.
gaarigacmeed ld gaarigacan.
gaarinnimo Gaari ahaansho.
gaariwale Nin gaaridameer, gaarifaras iwm ku shaqeeya.
gaarniin ld gaarid.
gaaroodi1 Dhul didib ah, bannaan oo ay ka baxaan dhir dhaadheer oo teelteel ah iyo dixin. gaaroodi2 Xubin bararan wax kulul ku kubbayn. gaaroodin eeg gaaroodi².
gaarrax Ilmo dacdarro iyo arrad ka muuqdaan.
gaarsii 1. Ammaano meel loo rabo geyn. 2. Cid meel geyn. 3. Wax, cid si habboon ugu qaybin.
gaarsiin eeg gaarsii. ld gaarsiis.
gaarsiis ld gaarsiin.
gaas 1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.
gaasabbax1 1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. ld gaasabbixid. gaasabbax2 Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin. gaasabbixi Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.
gaasabbixid eeg gaasabbax². ld gaasabbax¹ (2).
gaasabbixin eeg gasabbixi.
gaashaaman 1. Wax hubkii uu isku difaaci lahaa u dhanyahay ahaansho. 2. Wax dahaar adag oo aan hub fudud kari karin leh ahaansho.
gaashaamasho eeg gaashaamo.
gaashaambuur Dad dhawr qolo ah oo ciidamada isku darsaday oo xooggooda mideeyay.
gaashaambuuraysad ld gaashaam- buuraysasho.
page : 7 of 102
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>