oomaarid eeg oomaar².
oomaarin eeg oomaari.
oomanayn Biyo ka saaridda walax.
oomane (c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
oomane-u-eke (juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
oomasoore Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.
oomati Wax la quuto.
oomi 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
oomid eeg oon³.
oomin eeg oomi.
oomiye (daaw.) Kaadisokorow.
oomman 1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho.
oommanaan eeg oomman. ld oommanaansho.
oommanaansho ld oommanaan.
oommane 1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.
oommanoobid eeg oommanow.
oommanow Nalfey wax oon haayo noqosho.
oon1 Baahi biyo la cabbo loo qabo; harraad. oon2 Wax kasta oo la cuno ama la cabbo, cunto. oon3 Biyo rabid. oonbeel1 ld onbeelid. oonbeel2 Biyo aan laga dhergin cabbid; harraadbeel. oonbeelid eeg oonbeel². ld oonbeel¹.
oonguul O. ah: xoolo aroor ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
oontir Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin.
oontirid eeg oontir.
oor Miro yaryar oo udgoon oo ay dumarku isku carfiyaa.
oordinayt (xis.) Kulanka-y oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-y ee ku yaalla habdhiska kulannada kaartis (Barbardhig Absiisa).
oori Haweeney la qabo; afo.
ooriyo Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.
page : 7 of 10
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 >