Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: midaar
askaree 1. (f.g) Askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska dhigid.
askari (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). ld askar, caskari.
askarinnimo ld askarnimo.
askarmaroodi 1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
askarnimo Askari ahaansho. ld askarinnimo, caskarinnimo, caskarnimo.
askax 1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. ld askaax.
askoorbik-asiidh (kiim.) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.
askumid eeg askun². ld askun¹.
askun (1) ld askumid.
askun (2) 1. (f.g) Bilaabmid; dhalasho. 2. (f.mg) Ka soo a.: ka billaabmid; ka dhalasho.
aslaax (1) 1. Beer lagu dhaqmo. 2. ld aslaaxid.
aslaax (2) 1. (f.g) Hagaajin; dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg) Nabad ka a.: nabad dhax dhigid.
aslaaxi Nabad ka a.: heshiisiin.
aslaaxid eeg aslaax². ld aslaax¹ (2).
aslaaxin eeg aslaaxi.
aslaaxsan Islaax ahaansho.
aslaaxsanaan eeg aslaaxsan. ld aslaaxsanaansho.
aslaaxsanaansho ld aslaaxsanaan.
aslan (1) Erey lagu adkeeyo diidmo. Tus. “Aslanba ha iga qaadin buugga”.
aslan (2) Wax la aslay ahaansho.
aslanaan eeg aslan². ld aslanaansho.
aslanaansho ld aslanaan.
aslasho eeg aslo.
asli 1. ld asali. 2. (-iyo, m.dh) Kuul cambar ah.
aslid eeg asal³.
aslo Asal marsasho.
asluub Dhaqanwanaag; anshax.
asluubee Asluub u yeelid.
asluubeyn eeg asluubee.
asluubeysan Asluub lahaansho; edebeysan.
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>

 

Exit mobile version