Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
hagro Si aan daacad ahayn wax u qabasho.
hah (1) Dhadhan ama ur kulul oo dhirta qaarkeed yeeshaan.
hah (2) Eray lagu dhawaaqo marka wax la kahdo ama xanuun la dareemo.
hakaabsad ld hakaabsasho.
hakaabsasho eeg hakaabso. ld hakaabsad, hakaabsi.
hakaabsi ld hakaabsasho.
hakaabso 1. Guri, xero iwm irriddiisa xirid. 2. Nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
hakabsad ld hagabsasho.
hakabsasho ld hagabsasho.
hakabsi ld hagabsasho.
hakabso ld hagabso.
hakad 1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. ld hakasho.
hakad-wadneed (c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
hakah ld haaka.
hakasho eeg hako. ld hakad.
haki Wax in yar joojin.
hakin eeg haki. ld hakis.
hakis (1) ld hakin.
hakis (2) (fiis.) Summad: X. Dhalanka mareeg leh saagin ama madhxin oo wadajir ahaan caabbiga mareegta kula dhaliya xayir. Hakiska waxaa lagu cabbiraa oom.
hako In yar joogsasho.
hal (1) 1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
hal (2) Neef geel dhedig ah oo curtay.
hal-abuur (1) Curinta maansada.
hal-abuur (2) Maanso curin.
hal-abuurid eeg hal-abuur². ld hal-abuuris.
hal-abuuris ld hal-abuurid.
hal-adayg Dabeecad qof leeyahay oo ah in uusan go'aankiisa ka noqon. ld hal-adkaan.
hal-adkaan ld hal-adayg, hal-adkaansho.
hal-adkaansho ld hal-adkaan.
halaag (1) 1. Baaba'; le'asho. 2. ld halaagid.
<< < 689 690 691 692 693 694 695 696 697 698 699 > >>

 

Exit mobile version