kabaraadis ld kabaraadid.
kabardillaacsasho eeg kabar-dillaacso. ld kabardillaacsi.
kabardillaacsi ld kabardillaacsasho.
kabardillaacso Duleelka beejada weynaan.
kabare ld kabaro.
kabaro 1. Ganasade awr wax ku safrista; oo cidaha miyiga la guura. 2. Hanti yar oo la siiyo qof ganacsi loo abbaansado.
kabarray Nooc shinbiraha ka mid ah oo aan duulimaad badneyn, abuurka beertana la baxda. Midab bey ah leh oo hilibkeeda la cuno. ld barakadley.
kabash-kabash Si dhakhso ah oo kala daadsanaani ku jirto oo loo socdo. ld kabax-kabax.
kabash-kabashlayn eeg khabash-kabashlee. ld kabax-kabaxlayn.
kabash-kabashlee Si dhakhso ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. ld kabax-kabaxlee.
kabasho eeg kabo.
kabasiib1 1. (-byo, m.dh) Tuug aan waxba reebin. 2. (-byo, m.dh) Kaballeef. 3. ld kabasiibid. kabasiib2 Cid xadid iyadoon waxba lagu reebin; mooradduug. kabasiibid eeg kabasiib². ld kabasiib¹ (3).
kabatol ld kabatole.
kabatole 1. Qofka kabaha tola. 2. ld kabatol. Qalabka kabaha lagu tolo mid ka mid ah, oo mudaa weyn u eg.
kabawaar1 ld kabawaarid. kabawaar2 Roob da'ayey joogsasho. ld kawaweer². kabawaari Roob da'aya joojin (Ilaah).
kabawaarid eeg kabawaar². ld kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
kabawaarin eeg kabawaari.
kabawaaris ld kabawaarid.
kabawaaro Joogsashada roob da'ayaa qayoodo. ld kabawaarid.
kabax Meel ciidda laga qaado si ceel iwm looga dhigo.
kabax-kabax ld kabash-kabash.
kabax-kabaxlayn ld kabash-kabash-layn.
kabax-kabaxlee ld kabash-kabashlee.
kabaxow Neef xoolo ah oo aad u gaboobay.
kabay 1. Kabjad. 2. Qalab nafley jabtay lagu kabo.
kabayn eeg kabee.
page : 8 of 73
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>