hooddaar ld hoodaar.
hooddeyn Jawaabta loo celiyo qofka yiraahdo hooddi.
hooddi Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. ld hoodi.
hoodeyn ld hooddeyn.
hoodi ld hooddi.
hoodo Naasib.
hoog1 Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo. hoog2 Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid. hoogaami Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.
hoogaamin eeg hoogaami.
hoogaansad ld hoogaansasho.
hoogaansasho eeg hoogaanso. ld hoogaansad, hoogaansi.
hoogaansi ld hoogaansasho.
hoogaanso Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadsasho.
hoogey Waa belo.
hoogid eeg hoog².
hoohey ld haadey.
hooji Cid hoog ku ridid.
hoojin eeg hooji.
hool 1. Wax xoqid. 2. Timo, dhogor iwm hoobin. 3. Wax dub ka qaadid.
hoolan1 1. Wax la xoqay noqosho. 2. Timo ama dhogor wax la xiiray noqosho. 3. Wax dubka laga qaaday noqosho. hoolan2 1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho. hoolato Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.
hoolhool1 Gaashiyo banbannaan oo timihii ama dhogortii ka rifmeen oo ku yaal maqaar. hoolhool2 Harag ama saan gaashiye banbannaan u yeelid iyadoo timaha ama dhogorta laga rifayo. hoolhoolid eeg hoolhool².
hoolid eeg hool. ld hoolis.
hoolif Timo badan oo shuruf leh.
hoolis ld hoolid.
hoolmid eeg hoolan¹.
page : 73 of 93
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>